Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaaladee ugu horreysa Soomaaliya ee heli doonta tallaalka cudurka Covid-19?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimadda Online) – Tallaalka xanuunka COVID-19 ayaa lagu wadaa in todobaadka dambe lasoo gaarsiiyo dalka Soomaaliya, waxeyna noqoneysaa markii ugu horreysay ee la keeno iyadoo lasii iclaamiyay halka laga dajin doono.

Talaalka waxaa la geyn doonaa magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, waxeyna noqotay goobta ugu horreysa ee tallaalka laga geyn doono Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xassan ayaa sheegay in ka badan 300,000 oo qof tallaal loogu talagalay la geyn doono Garowe.

Tallaalka wuxuu haatan ku diyaarsan yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana la rajeynayaa inuu Puntland soo gaaro 24-ka iyo 25-ka Maarso.

Xanuunka safmarka ah e Covid-19 ayaa loo helay tallaal iyadoo uu si xun u baabi’inayo dadka dunida, hadana waddamo badan ayaa helay tallaalkiisa, Soomaaliya ayaana ka mid noqotay wadamada la geynayo tallaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this