Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar oo hal shardi ku xirtay soo celinta xiriirka Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
3-6.jpg?resize=800%2C450&ssl=1

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Saamix Shukri ayaa sheegay in hadal keliya aan lagu soo celin Karin xiriirka Turkiga iyo Masar.

Warbaahinta Masar ayaa ka soo xigtay wasiirka in dowladda Turkiga laga doonayo in ay beddesho siyaasadeeda ku wajahan Arrimaha Masar ka hor inta aan la soo celin xiriirka labada dal.

Wasiirku wuxu sheegay in hadalka ka soo yeeray Turkiga ee ku aaddan hagaajinta xiriirka labada dhinac ay ka horrayso in Turkigu wax ka beddelo hab-dhaqankiisa dhanka siyaasadda.

Hadalka Wasiir Saamix Shukri ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii Turkigu sheegay in la soo celinayo xiriirka iyaga iyo Masar oo go’naa tan iyo sannadkii 2013.

PUNTLAND POST

The post Masar oo hal shardi ku xirtay soo celinta xiriirka Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this