Deeq A. Posted March 15, 2021 Dowladda Cumaan ayaa sheegtay, in ay dalkeeda ka xayirtay app-ka codka ah ee Mareykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Clubhouse. Mas’uuliyiinta dalka Cumaan, ayaa laga soo xigtay in App-kaas uusan ogolaansho ka haysan dowladda, sidaas darteedna loo xayiray. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in dowladdu aysan ka jawaabin codsi ah in ay faahfaahiso go’aankan. Hase yeeshee, sarkaalka u sarreeya Hay’adda Isgaarsiinta Cumaan ayaa u sheegay warbaahinta in app-ka loo xannibay ruqsad-la’aan. PUNTLAND POST The post Dowladda Cumaan oo xayiraad saartay App-ka Clubhouse appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites