Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Laga Helay Cudurka COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis ababa)-Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa la helay Cudurka halista ah ee COVID-19 ee kusoo laba kacleeyay dalkaas.

Wasiir Sacad Cali ayaa waxaa uu sheegay in laga helay Cudurka COVID-19, kadib markii baadhitaano kala duwan lagu sameeyay, xili uu doonayay inuu dib ugu laabto Magaalada Hargeysa oo markii hore uu ka tegay.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Itoobiya ay gelisay xaalad karantiil ah oo haatan uu maalmo ku jiro.

Waxaa uu intaas uu kusii daray Wasiir Dr Sacad Cali Shire in xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid wanaagsan, isla markaana uu sheegay inuu rajeynayo inuu dib ugu laabto Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland ayaa dhawaan safar shaqo ku tegay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, hayeeshee xili baadhis Caafimaad lagu sameeyay laga helay Cudurka COVID-19.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this