Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ka baxday dacwadda ee maxkamadda ICJ

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo maalinta berito ah lagu balan-sanaa in dhageysiga kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka bilaabato magaalada Hague ayaa dowladda Kenya ku dhawaaqday in ay isaga baxday kiiskaasi.

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Kihara Kariuki ayaa warqad uu u gudbiyay maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ ku sheegay in maxkamadda ay ogeysineyso dowladda Kenya in ay ka sii mid ahaaneynin kiiska dacwadda ee Soomaaliya kala dhexeysa.

Kenya ayaa sheegtay in aysan diyaar u aheyn ka qeyb galka dacwadda, haddii ay ku socoto dhageysiga dacwadda jadwalka horay ay maxkamadda u qorsheeysay oo maalinta berito ah ku beegan.

Sidoo kale Kenya ayaa ku doodeysa in diyaar garow sare aysan u galin kiiska Soomaaliya kala dhexeeya, sababo la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus, sidaas darteedna ay u baahan-tahay in qareeno cusub ay diyaarsato, taasina aysan waqti u helin.

Si kastaba ha’ahaatee bishii la soo dhaafay ayaa maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ waxay gaashaanka u daruurtay isku day xukuumadda Nairobi ay dib ugu dhigeysay dhageysiga dacwadda badda, balse maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in jadwalka dacawadda sida loo qorsheeyay uu ku socon doono.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this