Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Suudaan oo gacanta ku dhigay hub badan oo sharci-darro ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka  Suudaan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub si sharci darro lagu soo gelinaayay dalka.

Bayaan kasoo baxay ciidanka Suudaan ayaa lagu sheegay in hubka la qabtay  laga soo tahriibiyay mid ka mid ah wadamda deris la ah Suudaan, inkasta oo an la magacaabin waddankaas

Bayaanka ayaa intaas ku daray in ciidamadu heleen macluumaad sirdoon ah oo ku saabsan tahriibinta hubkaan sharci darada ah.

Ciidamada ayaa soo bandhigay sawiro iyo muuqaal muujinaaya hubka lasoo qabtay. 7dii bishaan  Maarso, ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay qabteen hub laga soo tahriibiyay dalka Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Ciidanka Suudaan oo gacanta ku dhigay hub badan oo sharci-darro ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this