Sign in to follow this  
Deeq A.

Daahir Maxamuud Geelle oo weerar culus ku qaaday MW Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka midowga musharraxiinta mucaaradka, Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Geelle ayaa shaaca ka qaaday inuu Farmaajo ka yaqaano xabbad la rido, xinjiro la qubo iyo xukun leysku dhajiyo, kuwaas oo dilay kalsoonidii dalka, sida uu hadalka u dhigay.

“Xabbad la rido xinjiro la qubo iyo xukun leysku dhajiyo wax aan ahayn kuma ogi, kumana aqaan walaalkeey Farmaajo, saddexdaana waa waxa kalsoonidii dilay” ayuu yiri.

Daahir Maxamuud Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay muhiim tahay in khilaafka siyaasadeed ee jira lagu dhameeyo miiska wada-hadalka, si xal loo gaaro.

“Maanta waxaa nala siman wada hadal nabad ah iyo heshiis ku dhammaada doorasho xor iyo xalaal ah ee walaalow diidmada miiska wadahadalka, iyo carqaladaynta geedi socodka nabadda jooji,” ayuu markale ku yiti qoraalkiisa musharrax Daahir Geelle.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqat in ka musharraxiin ahaan ay doonayaan in tartanka doorashada uu noqdo mid hufan oo la’isku haleyn karo.

“Annaga waxaan rabnaa inaan qayb ka noqonno dadaal hufan iyo tartan doorasho oo laysku halayn karo leh jiheeye akhlaaqeed (moral compass),” ayuu sii raaciyety.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo ay fashil kusoo dhammaadeen wada-hadalladii dowladda, gaar ahaan xukuumadda & midowga musharraxiinta mucaaradka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this