Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Kenya oo ka baxday kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee maxkamadda ICJ

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka baxday kiiska dacawadda badda Soomaaliya ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, kaasi oo qorshaha uu ahaa in maalinta berri ah uu dhageysigiisa ka billowdo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), waxaa sidaas weriyey wargeyska Daily Nation.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray inuu arkay dokumenti ay Kenya u dirtay maxkamadda kuna wargelisay inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga dacwadda, kadib markii hore ay maxkamadda u diiday codsiga Kenya ee ahaa in kiiska markii saddexaad dib loo dhigo.

Ma cadda hadda go’aanka ay maxkamadda qaadan doonto, inay mar kale kiiska dib u dhigi doonto, iyo inay dhageysiga guda geli doonto ayada oo aanay qeyb ka aheyn Kenya.

Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this