Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare gaystay oo gilgilay Muqdisho Saqdii dhexe ee xalay+Cida lala beegsaday Qaraxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax khasaare gaystay oo gilgilay Muqdisho Saqdii dhexe ee xalay

 

D1CE8E46-3F9B-4FA1-84E5-31ED588AAF08_w10

Hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax xalay fiidkii ka dhacay nawaaxiga Afisyoone ee Muqdisho, sidaasi waxaa VOA u sheegay ilo wareed codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo dhinaca amniga ah.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino lagu aasay waddada dhinaceeda oo lala beegsaday baabuur. Baabuurka ayaa la sheegay inuu saarnaa sarkaal ka tirsan ciidanka.

Dawladda Soomaaliya ayaan ilaa hadda rasmi ahaan uga hadlin weerarkan.

Weerarkan waxa uu imanayaa xilli la qorshaynayo in uu shir uga furmo Muqdishu madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada maalmaha soo socda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this