Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geerida wasiir hore Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiirkii Hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Janaraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr oo ku geeriyooday magaalada Nayroobi.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, isagoo billad ku qaatay difaaca Qaranka sannadkii 1964-tii. Sidoo kale waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geerida wasiir hore Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this