Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Caafimaadka Jordan Oo Is Casilay Kadib Markii bukaano Ay U Dhinteen Ogsijiin La’aan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii caafimaadka ee dalka Jordan Nathir Obeidat ayaa is casilay kadib markii qaar kamid ah bukaano uu soo ritey cudurka Covid 19 ay ugu dhinteen cisbitaal ay dowladu maamusho ogsijiin la’aan.

Warbaahinta dowladda ayaa Sabtidii tabisay in ugu yaraan toddobo qof ay ugu dhinteen cisbitaalka dowladda ee magaalada al-Salt, oo qiyaastii 20 kiiloomitir (13 mayl) waqooyiga kaga beegan caasimadda Amman markii ogsijiintii ay ka dhammaatay.

Raysal wasaaraha Jordan Bisher al-Khasawneh ayaa amar ku bixiyay in la baadho, halka King Abdullah II uu yimid cisbitaalka si uu u dejiyo qoysaska cadheysan ee banaanka cisbitaalka isugu soo baxay.

Boqorka ayaa cambaareeyay dhacdada, waxana uu amar ku bixiyay in agaasimaha cisbitaalka shaqada laga joojiyo, sida uu sheegay TV-ga al-Mamlaka.

King Abdullah wuxuu yimid cisbitaalka isagoo labisan dharka militariga kadib markii 7 qof ay ku dhinteen cisbitaalka gobolka Amman sababo la xidhiidha oksijiin yari.

Muuqaalo fiidiyoow ah oo lagu faafiyay internetka, boqorka ayaa laga maqlay isagoo ku dhahaya agaasimaha cisbitaalka: “Sidee wax noocan oo kale u dhici karaan Tani waa wax aan la aqbali karin. ”

Qiyaastii 150 ehelka bukaanka ayaa isugu soo baxay banaanka xarunta, oo ay ku hareereysnaayeen ciidamo badan oo boolis iyo nabad sugid isugu jira, kuwaasoo ka hor istaagay qoysasku inay galaan.

Wadanka Jordan oo ay ku nool yihiin illaa toban malyan oo ruux ayaa laga soo weriyey in dad gaadhaya 385,533 uu soo ritey cudurka Covid 19 halka ay ugu dhinteen illaa 5,224 qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this