Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo Dalbatay in Turkiga Qeyb ka Noqdo Hannaanka Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

DowladdaTurkiga ayaa sheegtay in ay dhex dhexaadin ka bilaabi doonto arrimaha Cakiran ee doorashooyinka Soomaaliya oo ay Dhinacyada siyaasadda ka dhaxeeyso ay isku fahmi la’ayihiin .

Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa sheegay in ay dowladdiisa qorsheyneyso in ay qeyb ka noqoto wada hadalada lagu dhex dhexaadinayo Doorashooyinka Soomaaliya.

Mevlut Cavusoglu ayaa yiri “Maalmaha soo socda, waxaan qorsheynaynaa Socdaal aan ku tagno Soomaaliya, si aan u xoojino dadaalada socda. Iyaga waxay kaloo doonayaan inay inoo yimaadaan, iyaga ayaana inaga codsaday in aan u nimaano” .

Qoraalka ka soo baxay wasiir Cavusoglu  ayuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad siyaasadeed kadib markii uudhaamada mudda xileedka Madaxweeynaha iyo Baarlamaanka .

“Dalka ku yaal Geeska Afrika wuxuu ka dhacay ismari waa siyaasadeed ka dib markii ay dib u dhacday doorashadii madaxweynaha iyo tan baarlamaanka oo madaxweynaha waqtigiisii dastuuriga ahaa uu dhacay Febraayo 8.” ayuu yiri wasiirka .

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasiir Arrimaha Dibadda Dowladda Turkiga

158393246_1870488056441106_6260668724063

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this