Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo sheegay in uusan fasaxi doonin dhaqaalihii uu siin jirey Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in aysan dib u bilaabi doono kaalmada dhaqaale ee Itoobiya siin jireen taas oo lagu bixin jirey laamaha ammaanka, ka dib maalmo markii xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken xaaladda gobolka Tigray ku tilmaamay isir sifeyn.

Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Ned Price ayaa jimcihii sheegay in Washington aysan fasixi doonin dhaqaalihii horey loo hakiyay oo Itoobiya siin jireen.

Anagoo ka duuleyna xaaladda Itoobiya ee xilligan, waxaan go’aansanay in aanan dib u bilaabin kaalmadii maaliyadeed oo ay ku jiraan lacagtii  lagu bixin jirey laamaha amniga ,” sidaa waxaa yiri Price.

Xoghaye Blinken ayaa Itoobiya ku cadaadinaya in ay soo afjaraan colaadda ka socota gobolka Tigray, xilli uu ka hor hadlayay Congress, waxaana uu sheegay in ciidamo Eritriyan ah iyo kuwa gobolka Amxaarada ka socdo xadgudubyo ka dhan ah bani aadanimada ka geysteen gobolka, isagoo waxaa halkaas ka socda ku sifeeyay isir sifeyn.

Bishii hore waaxda arrimaha dibadda Mareykanka waxay sheegeen in joojinta dhaqaalaha Itoobiya siin jireen uusan wax xiriir ah la laheyn muran ka taagan biyo xireen Adis Ababa ka dhistay webiga Nile kaas oo ay isku khilaafsan yihiin; Itoobiya, Suudaan iyo Masar.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo sheegay in uusan fasaxi doonin dhaqaalihii uu siin jirey Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this