Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: FARMAAJO oo lala kulmay qoyska Cali Mahdi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ubadka, qoyska iyo qaraabada Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo shalkay aas qaran loogu sameeyey Muqdisho.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somaklia, madaxweynaha ayaa la wadaagay ubadka, qoyska iyo qaraabada Marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo hoggaaminta Dalka.

“Geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, ma’ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed. Marxuumku waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimadeenna, waxa aynu weligeen ku xasuusan doonnaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo wiilasha Marxuumka Liibaan Cali Mahdi iyo Mahdi Cali Mahdi ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo Aaska Qaran ee loo sameeyey Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed.

159155657_3844989712252145_1709024022013 159162075_3844989482252168_5864724006230 160128928_3844989492252167_1347458691720 159507403_3844989508918832_1184688661232 160014219_3844989652252151_4325889090482 159651753_3844989795585470_6265941509296 159791592_3844989662252150_1134766565172

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this