Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Meydka madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi oo laga soo dajiyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Meydka madaxweynahii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goor dhaw laga soo dajiyay garoonka caalamiga ah ee Aadn Cadde, iyadoo laga keenay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Allaha u naxariistee madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa la sheegay inuu xanuunka Covid-19 u geeriyooday, ayey diyaarad khaas ah kasoo qaaday Nairobi, waxaana laga soo dajiyay Muqdisho.

Madaxda xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday, madaxweynayaal hore, qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo ehelada Marxuumka ayaa garoonka gudaha u galay si ay salaadda Janaasada ugu tukadaan.

Meydka marxuumka ayaa loo qaaday halka lagu aasi lahaa oo la sheegay iney tahay Masjidka Cali Mahdi oo ku yaalla dagmada Yaaqshiid, halkaas oo la sheegay in marxuumka uu ka dar-daarmay in lagu aaso.

DAAWO SAWIRADA:

cali6.jpg cali5.jpg cali4.jpg cali3.jpg cali2.jpg cali.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this