Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo maanta kala saxiixday heshiis taariikhi ah + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

 Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo safiirka Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Alberto Vecchi ayaa maanta heshiis muhiim ah ku saxiixay Muqdisho.

Heshiiskan oo ah mid deyn cafin ah ayaa daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-kii.

Sidoo kale heshiiskan & qorshihiisa ayaa ahaa mid ay labada dhinac muddo kasoo wada shaqeynayeen, sida uu sheegay wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiirka ayaa sidoo kale dowladda Talyaaniga kaga mahad-celiyey, sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay dowladda & shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya & Talyaaniga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, islamarkaana ku dhisan wax wada-qabsi.

Si kastaba dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey dadaal badan ku bixisay barnaamijka deyn cafinta oo haatan maraya meel wanaagsan.

157916229_2225221357611782_1083727131036 157957771_2225221404278444_1106098167291 158358882_2225221317611786_3307572359005 159298266_2225221280945123_1810801556784

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this