Deeq A. Posted March 11, 2021 Cali Mahdi Maxamed, oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Yaxya Caamir oo kamid ah dadka aadka ugu dhawaa madaxweynaha ayaa BBC-da u sheegay in Cali Mahdi ilaa afar cisho kahor la keenay magaalada Nairobi kadib markii isaga iyo xaaskiisaba ay xanuunsadeen. “Afar ama shan cisho kahor ayuu xanuun kusoo booday isaga iyo xaaskiisa, Isbitaalka Nairobi hospital ayaa la geeyay, marka hore waxaan uga shakinay cudurka corona balse dhaqtarka wuxuu inoo sheegay in labaduba uusan heynin corona”, ayuu yiri Yaxye Caamir. Waxaa kale oo uu sheegay in neefta ay ku dhageysay, dhaqtarkuna uu ka deyriyay xaaladiisa saacadihii lasoo dhaafay. Isbitaalka la geeyay ayuu sheegay in uusan ahayn mid la geeyo bukaanada feyraska qaba Corona. View the full article Share this post Link to post Share on other sites