Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sannadkan gudihiisa qabanaysa doorasho ku salaysan qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, oo xalay marti ku ahaa barta Xiriirka Bulshada ee loo yaqaan Club House, ayaa ka warbixiyay Arrimaha Guddiga uga qabsoomay diyaarinta Hannaanka Xisbiyada badan.

Guuleed Saalax ayaa sheegay in Guddigu diyaariyay dhammaan Habraacyada iyo xeerarka ku saabsan hirgelinta Barnaamijka xisbiyada badan, si loo qabto doorashooyin ku salaysan Hannaanka qof iyo cod, islamarkaana looga gudbo Nidaamka Qabaliga ah.

Mr Guuleed wuxu sidoo kale tilmaamay in Guddigu soo iibsaday Qalabka Diiwaan-gelinta Codbixiyaasha oo casriya, kaas oo Indhaha iyo Wejiga qofka laga qaadayo, sidaas darteedna aysan suurta-gal ahayn in qofkaas laba jeer is diiwaan-geliyo, si uu laba jeer u codeeyo.

Ururada Siyaasadda ee haatan ka dhisan Puntland, ayuu sidoo kale ku tilmaamay kuwa macna weyn, oo ay ku jiraan %90 siyaasiyiinta miisaanka leh ee Puntland.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyay doorashooyin hordhac ah oo bartamaha sannadkan laga qaban doono saddex degmo oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo tijaabo u noqon doona Hirgelinta Doorashooyinka qof iyo cod.

Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhan

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sannadkan gudihiisa qabanaysa doorasho ku salaysan qof iyo cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this