Sign in to follow this  
Deeq A.

Taariikh nololeedka madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Nairobi+Nooca xanuunku u geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Taariikh nololeedka madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Nairobi+Nooca xanuunku u geeriyooday

.

Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maanta ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu maalmihii dambe la xanuunsanaa cudurka Covid-19.

Kumuu ahaa Cali Mahdi?

Cali Mahdi Maxamed waxa uu xilli lagu qiyaasay 1938-kii ilaa 1939-kii ku dhashay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya.

Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho, isagoo markii dmabena wax barasho dheeraad ah u tagay dalka Masar.

1991-kii ayuu Cali Mahdi noqday madaxweynihii Soomaaliya
1991-kii ayuu Cali Mahdi noqday madaxweynihii Soomaaliya

Intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa uu xubin ka soo noqday Aqalka Baarlamaanka. Markii ay burburtay dowladdii dhexe sanadkii 1991-kii ayuu noqday madaxweynaha Soomaaliya.

Xilkaas waxa uu hayay intii u dhaxeysay 26-kii bishii January, 1991-kii ilaa 3-dii January, 1997-kii. Mar kale ayaa heshiis ka dhacay magaalada Qaahira loogu cusbooneysiiyay xilka waxaana sanadkii 2000 baddalay Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Cali Mahdi waxa uu xukunka qabsaday kaddib markii isbahaysi mucaarad ah oo hubeysan, oo uu ku jiray xisbigiisii USC ay xilka ka tuureen madaxweynihii muddada dheer ka talinayay Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre.

Hase yeeshee Cali Mahdi uma aysan suuragalin in uu nidaamkiisa wada gaarsiiyo dalka oo dhan, xilli ay Soomaaliya lugaha la gashay dagaallo sokeeye oo baahsan.

Intii uu madaxweynaha ahaa waxaa jiray dagaal loo yaqaanno “afar biloodle” oo dhex maray ciidamadiisa iyo xoogag daacad u ahaa Maxamed Faarax Caydiid.

 

.

Shir ay dalal ka mid ah beesha caalamka ka qeyb galeen oo sanadkii 1991-kii lagu qabtay dalka Jabuuti ayaa lagu damacsanaa in la isugu geeyo hoggaamiyeyaasha isku hayay talada Soomaaliya, hase yeeshee waxaa ku gacan seyray Caydiid oo aan ka qeyb galin shirkaas.

Beesha Caalamka ayaa Cali Mahdi markaas u aqoonsatay in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo go’aankaas aysiyaasiyiinta qaar kasoo hor jeedeen.

Dalalkii maamulkiisa aqoonsaday waxaa ka mid ahaa Jabuuti, Masar, Sacuudiga iyo Talyaaniga.

Sanadkii 2000 waxa uu Cali mahdi mar kale ka qeyb galay shirkii magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Hase ahaatee waxaa doorashada xilka madaxweynaha uga guuleystay Cabdiqaasim salaad Xasan oo horay wasiirka Arrimaha Gudaha uga soo noqday dowladdii Siyaad Barre.

Bilihii lasoo dhaafay ayuu mar qabsaday hadal-heynta shacabka kaddib markii uu hirgeliyay dhisme lagu tilmaamay kan ugu dheer magaalada Muqdisho. Mar wax laga weydiiyay sheegay in dhaqaalaha lagu dhisay gurigaas uu ka yimid maalgashiyo uu sameeyay.

Bishii November ee sanadkii 2020-kii ayuu mar si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xilligan aan loo baahneyn “in dagaal dib loogu laabto”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this