Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1615383821093.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster.

Danjire Kate oo madaxweynaha soo gaarsiisay salaan iyo farriin ay uga sidday Boqoradda Ingiriiska Marwo Queen Elizabeth ayaa ka mahadcelisay soo dhaweynta diirran, waxa ayna soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

FB_IMG_1615383826939.jpg?resize=720%2C48

War-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska Danjire Kate oo la soo magacaabay bishii Jannaayo ayaa badashay Danjire Ben Fender.

PUNTLAND POST

The post Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Ingiriiska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this