Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaxooti ka soo cararay dalka Yemen oo xalay soo gaaray Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
Qaxooti.jpg?resize=926%2C695&ssl=1

Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, ayaa sheegtay in xalay dekedda Boosaaso ay soo gaartay doonni sidday Qaxooti Yemeniyiin iyo Soomaali ah oo ka yimid waddanka Yemen.

Qaxootiga oo ka kooban 75 Qoys ayaa ka soo cararay colaadda ka aloosan dalka Yemen, sida ay sheegtay Wasaaradda.

Qoysaskaas oo u badnaa haween iyo carruur waxa soo dhowayn loogu sameeyay xarunta qaabilaadda Qaxootiga ee magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland waxay sheegtay in doonnidaas ay tahay tii labaad oo todobaadkan gudihiisa Qaxooti ka keentay dalka Yemen ee colaaddu ragaadisay.

PUNTLAND POST

The post Qaxooti ka soo cararay dalka Yemen oo xalay soo gaaray Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this