Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali ah oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Koonfurta Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska Koonfurta Suudaan ayaa laga soo xigtay in hal askari uu ku dhintay,  darewal Soomaali ahna ku dhaawacmay weerar jid-gal ah oo todobaadkan ka dhacay Gobolka Cueibet ee dalkaas.

Taliye ku xigeenka Booliiska degmada Cueibet ee caasimadda Gobolkaas G/sare Machar Muorwel, ayaa u sheegay Idaacadda maxalliga ah ee Radio Tamazuj in weerarka uu Axaddii ka dhacay nawaaxiga degaanka Kabur.

Waxaan hadda joogaa tuulo fog oo ka baxsan degmada Cueibet, waxaanse maqlay in weerarka lagu dilay hal askari, islamarkaana lagu dhaawacay darewal Soomaali ah.” Ayuu yiri G/sare Machar Muorwel.

Sidoo kale, wuxu sheegay in uu amar ku bixiyay in Booliisku hawlgal roondayn ah ka sameeyaan wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Cueibet iyo Rumbek.

Maydka askari oo ka tirsan Ciidamada Koonfurta Suudaan iyo dhaawaca darewalka Soomaaliga ah ayaa la geeyay isbitaalka degmada Rumbek.

Kooxdii weerarka fuliyay, oo goobta ka baxsaday ayaan weli gacanta lagu dhigin, sida laga soo xigtay Booliiska.

PUNTLAND POST

The post Nin Soomaali ah oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Koonfurta Suudaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this