Sign in to follow this  
Deeq A.

Hayada Amnesty International ayaa Eedo culculus ku hurguftay Maamulka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

amnesty-logo-01.jpg?resize=1000%2C719&ss

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodad ee Amnesty International ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Puntland ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan xorriyadda warbaahinta iyagoo cabsi geliya, dhibaateeya isla markaana si aan macquul ahayn u xira suxufiyiinta.

Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay maanta ku sheegtay in afar weriye si aan macquul ahayn loogu xiray Garowe iyo Bosaaso labadii bilood iyo badhkii la soo dhaafay, taas oo walaac ku abuureysa xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya, iyadoo dalku u jihaysan yahay doorashooyin dib u dhacay.

“Kordhinta xadhiga suxufiyiinta Puntland waxay muujineysaa cadaadiska sii kordhaya ee lagu hayo xorriyadda warbaahinta. Xarigyadan waxay saameyn xun ku yeelan doonaan shaqada suxufiyiinta ka hor doorashada, inta lagu jiro iyo kadib,” ayuu yiri Deprose Muchena, oo ah Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta qaarada Afrika ee Amnesty International.

Amnesty International waxay sheegtay in Puntland ay joojiso eedeymaha been abuurka ah ee loo haysto wariye Kilwe Aadan Faarax, isla markaana si deg deg ah oo shuruud la’aan ah lagu sii daayo.

“Maamulka Puntland waa inuu joojiyaa dhamaan eedeymaha aan salka laheyn ee ka dhanka ah Kilwe Aadan Faarax isla markaana si deg deg ah oo shuruud la’aan ah looga sii daayo xabsiga. Sidoo kale waa inay joojiyaan dhibaateynta iyo cagajugleynta suxufiyiinta kale, oo ay ka mid tahay in la marsiiyo maxkamad militari taasoo ka hor imaaneysa sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha, ”ayuu yiri Deprose Muchena.

Amnesty International waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer federaal ee Soomaaliya inay oggolaadaan in suxufiyiintu shaqadooda ku qabsadaan xayiraad la’aan, maaddaama uu dalku isu diyaarinayo doorashooyinka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this