Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed Oo Codsi U Diray Dalalka Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay dalalka Afrika inay ku taageeraan dadaallada ay waddo xukuumaddiisa ee ku aadan howlgallada sharciga iyo kala dambeynta loogu soo celinayo deegaanno ka tirsan ah dalkaas.

Wuxuu ka codsaday dalalka Afrikaanka ah inay garab istaagaan Itoobiya isla markaana uu dalkiisa waajahayo olole caalami ah xilli uu doonayo in sharciga dib loogu soo celiyo deegaannada.

Abiy ayaa hadalka ka sheegay xilli xaaladda gobolka Tigray uu uga warbixinayay golaha Midowga Afrika u qaabilsan amniga.

Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay tageerada ay u muujiyeen Itoobiya .

Ciidammada Itoobiya ayaa la wareegay Tigray kadib markii sannadkii hore howlgal millatari ku qaadeen halkaas.

Waxaa sidoo kale jiraa eedeymaha in gobolka laga geystay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, arrintaas oo ay dowladda beenisay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this