Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo sheegtay in ay laba dekedood ka dhisayso degmada Hobyo

Recommended Posts

Deeq A.   
1-6.jpg?resize=720%2C540&ssl=1

Mas’uul ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in laba dekedood laga dhisayo degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug Cabdirashiid Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Hobyo laga dhisayo deked weyn oo maraakiibta iyo doonyuhu ku soo xirtaan iyo deked yar oo ku kooban kalluumeysiga oo keliya.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in dekedda yar ee kalluumeysi uu dhismaheedu meel geba-gabo ah marayo islamarkaana kalluumeysatada degaanka laga doonayo in ay ka faa’idaystaan dekeddaas cusub.

Dekad Kalluumeysi ayaan ka barbar sameynaynaa Dekadda weyn ee Hobyo, taasi oo aan ugu talagalnay in ay ka faa’iideystaan kalluumeysatada” ayuu yiri Agaasime Cabdirashiid.

PUNTLAND POST

The post Galmudug oo sheegtay in ay laba dekedood ka dhisayso degmada Hobyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this