Sign in to follow this  
Deeq A.

TACSI : – Allaah ha u naxariistee Duuliye sare Maxamuud Xaaji Cilmi Cabdille Dirir( Xaaji Dhagax) oo ku geeriyooday Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN.

Allaah ha u naxariistee waxaa saaka oo ah Isniin 08.03.2021 ku geeriyooday magaalada Muqdisho Pilot Maxamuud Xaaji Cilmi Cabdille Dirir( Xaaji Dhagax)

Marxuum Pilot Xaaji Dhagax ayaa ka mid ahaa kooxdii ugu horeysay ee lagu aasaaso Ciidankii Cirka ee Somaaliya, isagoo license duuliyenimo qaatay sannadii 1955.

Marxuum Pilot Maxamuud Xaaji Cilmi ayaa mudo dheer oo ku sugan 1965 ilaa 1991 duuliye ka ahaa Shirkadii Diyaaradaha Somaaliyeed ee ( Somali Airlines ) isagoo ahaa duuliyihii waday Diyaaradii Somali Airlines ee loo afduubay dalka Ethiopia sannadkii 1984.

Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabkada Puntlandi waxay iyagoo ka tiiranyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Marxuum Duuliye sare Maxamuud Xaaji Cilmi Cabdille ( Xaaji Dhagax ) Tacsi u dirayaan Dhamaan Qoyskii, Ehelkii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaaliyeed ee uu ka baxay marxuumku.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this