Deeq A. Posted March 6, 2021 War k soo baxay xafiiska Qaramada Midobay ee Soomaliya ayaa lagu cambaareyay qaraxii xalay ka dhacay Agagaarka Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay QM ayaa lagu yiri ” Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareynayaan weerarkii foosha xumaa ee Al-Shabaab ay 5-tii Maarso ka geysteen magaalada Muqdisho, waxa ayna tacsi u dirayaan qoysaska dadkii naftooda ku waayey weerarkaa, iyagoo u rajeynaya caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay.” Dhanka kale dowladda Turkiga ayaa cambareysay werarkii lagu qaaday Maqaayadda Luul Yamani. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites