Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni oo shaaciyey in Puntland ay ku jirto heegan buuxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo guulaha uu Ciidanku ka gaaray howl-galladii amni ee ay halkaasi ka wadeen Saacadihii lasoo dhaafay.

“Weerarkii ka dhacay xabsiga weyn ma’suuliyaddiisa waa lays-kula xisaabtamayaa, ciidanka ka jawaabay ee guusha kasoo hooyayna waa lagu abaal marinayaa,” ayuu yiri Deni.

Siciid Deni ayaa sheegay in ay Puntland ku jirto heegan buuxa ficilkii dhacayna ay ugu fal celiyeen sidii ugu wanaagsanayd, wuxuuna intaasi raaciyay in ay socdaan baaritaanno ku saabsan weerarkii ka dhacay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Deni1-1.jpg Deni2.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this