Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahintii u dambeysay Qarixii Xamar Jajab oo ay ku geeriyoodeen 23 Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Caawa fiidkii Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax lagu hoobtay oo Dad rayid ah lagu baabi’iyey xili ay caweynayeen qaarna ku jireen guryohooda.

Qaraxa waxaa lala beegsadey goob lagu Shaaheeyo oo lagu magacaabo Luulyameni, Waxaana Qaraxa lagu fuliyey gaaro Noaha ah, kasoo sababay in guryo ku dhaganaa Makhaayada ay Dumaan.

Sargaal ka tirsan Laamaha Amaanka ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey in Dhimashadu markii hore ahayd 17 kadibna ay 6 Qof oo kale ay u geeriyoodeen dhawacii soo gaaray tasoo tirada Guud ka dhigaysa 23 Qof.

Dhawaca ayaa aad iyana u badan waxaana loo kala qaadey dhowr Isbitaal.

Dowlada Federaalka ee Wakhtigeedu dhamaadey iyo Mucaaradka midna wali kama hadal Qaraxa iyo Dadka waxyeeloobay.

Puntlandi.com Muqdisho

61ADA86E-EF90-4D6D-B57D-70F53F8D42E1-588

The post Faahfaahintii u dambeysay Qarixii Xamar Jajab oo ay ku geeriyoodeen 23 Qof appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this