Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhibaatada Mareegaha Bulshada Q-2aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Haddii aad aragto, qof binu-aadam ah oo ka dhex rafanaya Facebook ana Youtube, oo muraaradillaacsan isla markaa doonaya inuu u jawaabo qof kastoo binu-aadam ah oo uu is leeyahay ama reerkiinna ayuu wax ka sheegay ama qof uu ku taxan yahay oo si uun xidhiidh ula leeyahay, ogoobey waa mid ka mid cudurrada halista ah ee mareegaha bulshadu ku xidhiidho laga helo.
Wey badanyihiin BAXSIYADA ama RESEARCH yada ama Debates-ka in badan lagaga Hadley dhinaca taban (Negative side) ama madow ee mareegaha bulshada ( Black side of social media).
Dhibaatooyinka Mareegaha bulshadu ku xidhiidho iyagoo badan waxaa ugu caansan:
1.Addictive- qabatin iyo ka maarmi waa qofku doono inuu mar walba moobilkiisa ama PC ku mashquulo oo faraha uun kula jiro isagoo baadhaya bal in wax dhaafeen.
2. Mental and physical health- Dhibaatooyin jidheed iyo kuwo maskaxeed oo ay abuurto, bal ka warran qof isku waajibiyey wax aan ilaahayba u diran oo mar walba ka cadhaysan qof meel ka Hadley ama SIyaasi afkiisa u xor ah oo meel wax ka sheegay oo uu raadiyo uun inuu ka daba tago warkiisa oo u jawaabo, goormuu qof soo Hadley jawaabtiisa soo afmeerayaa?, ma berry?, ma saaddanbe ? Lama yaqaan runti waayo hadal wuu jirayaa weligii ilaa adduunka lasoo duuduubo.
3. Lies and rumours- Been iyo waxaan jirin oo la faafiyo taasoo diin ahaan iyo dhaqan ahaanba aad u xun bal ka warran mareegaheenna oo xataa cinwaanka ay maqaalka siiyaan iyo waxa hoosta ku jiraa aaney is lahayn oo ay ku jirto KHIDCO ama khiyaamo si qofka loogusoo dhextuuro akhrinta maqaal been u badan.
4. Dependence the online groups or friends—waa qofkii uu bulshadii ku xidhmaya oo qudha qayb gaar ah sida reerkiisa oo meel isku urursada, saaxiibbo iskuul oo gaar ah, urur si uun u abaabulan o oleh ahdaaf mideysa taasoo keeneysa in qayb kale oo bulshada ah oo haddey doonto ta ugu muhiimsanba ah sida colimada diinta, kuwa khayrka ku midooba ama nooc kasta oo wanaag ah u abaabulan uu qofkii ka dhex siibanayo. Lasoco—-

Wacays Caanood

faraska1988@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this