Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Oo Diiday Wadahadalo La Yeelato Maraykanka Iyo Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Xukuumadda Iran ayaa sheegtay in ayna ka qeyb geli doonin shirar hor-dhac ah oo ay ku baaqeen Midowga Yurub in ay ku kulmaan dhammaan saxeexayaashii heshiiskii Nukliyeerka ee 2015.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee IRAN, Saciid Khatibzadeh oo sheegay in go’aankooda la xadhiidho hab dhaqanka khaldan iyo hadallada kasoo yeedhaya Maraykanka iyo qaar kamid ah wadamada EU-da.

Iran ayaa sharuud uga dhigtay dib-u-dhaqangelinta heshiiskii 2015, in marka hore Maraykanka uu qaado xayiraadii ay xukuumadii hore ee Trump ay kusoo rogtay Tehran.

Maamulka cusub ee Maraykanka ee Joe Biden ayaa dhankoodana sheegay in marka hore wadahadalka la furo isla markaana meesha ka saartay in hadda la qaadi doono cunaqabateynta.

Midowga Yurub ayaa toddobaadkan soo jeediyey in la isugu yimaado kulamo horudhac ah oo ay ka qeyb galaan Iran, Maraykanka iyo dalalkii kale ee heshiiskaasi wax ka saxeexay oo ay ku jiraan Ruushka iyo China.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this