Sign in to follow this  
Deeq A.

TPEC oo la shiray Guddiga Wasiirada Puntland u qaabilsan Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16145982429999870.jpg?resize=720%

Guddiga ku-meelgaarka ah poorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa xaruntiisa kula shiray wasiirada wasaaradaha Puntland ee ay wada shaqeynta leeyihiin, kulanka waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga, Caddaaladda, Caafimaadka, Dhalinyarada iyo Warfaafinta.

Guddoomiyaha TPEC Guuleed Saalax Barre oo soo dhaweeyey wasiirada ayaa warbixin ka siiyey waxqabadkii Guddiga intii u dhexeysay shirkan iyo kii ka horeeyey ee wasiirada Puntland iyo TPEC.

Guddigu wuxuu wasiirada u sheegay in la dhammeystiray xeerarka iyo hab-raacyada lagama maarmaanka u ah in doorasho ka dhacdo 3-da degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufdeyn, bartamaha sanadkan.

FB_IMG_16145982513333604.jpg?resize=720%

Kulankan oo ka mid ahaa shirarka TPEC ay la yeelato mas’uuliyiinta hay’adaha dawladda ayaa looga wadahadlay u diyaargarawga doorashooyinka soo aaddan iyo sidii hay’adaha dawladdu ugu diyaargaroobi lahaayeen.

Sidoo kale waxaa intii shirku socday la isku raacay in dhawaan la magacaabo Guddiga Amniga Doorashooyinka Puntland.

Wasiiradu waxay adkeeyeen in ay dhankooda diyaar la yihiin qaybaha kaga aaddan qorsha TPEC ee hirgalinta doorashooyinka 3-da degmo, sida wacyi-galinta, amniga goobaha cod bixinta, daryeelka, caafimaadka iyo faya-qabka goobaha diiwaangalinta iyo cod bixinta.

Doorashada 3-da degmo ee Eyl, Qardho iyo Uffayn ee bartamaha 2021 dhacaya, waxaa xigi doonta doorashada ka dhici doonta dhammaan degmooyinka kale ee Puntland.

PUNTLAND POST

The post TPEC oo la shiray Guddiga Wasiirada Puntland u qaabilsan Doorashooyinka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this