Sign in to follow this  
Deeq A.

XF Soomaaliya oo shaacisay kiisas la xiriira cudurka Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, tirada kiisaska cudurka Coronavirus ee 24 saac ee u dambeeyay laga heley ayaa maraysa 266 kiis, iyadoo 1,807 la baaray, gobolka Banaadir ayaa ah gobolka ugu badan ee kiisaska cudurka laga heley taas oo ah 141 kiis.

Puntland ayaa laga heley 88 kiis oo cudurka Corona ah, halka 25 kiis laga diiwaan geliyay Soomaaliland, iyadoo 8 qof xanuunka u dhinteen.

Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa maraysa 7,257 kiis oo ay ku jiraan 3,808 oo cudurka ka bogsooday iyo 239 oo u dhimatay cudurka. Xogta ay shaacisay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in 21 kiis ka bogsoodeen safmarka 24 saac uu ugu dambeeyay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this