Deeq A. Posted February 28, 2021 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay xaafada DaaruSalaam ee magaalada Muqdisho, kaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso. Qaraxa oo oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Axmed Cabdullahi Cariif & saraakiil Boolis ah oo la socotay, walow ay ka bad-baadeen miinadaasi. Afhayeenka gobolka Banaadir oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ay bad qabaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha la socotay kolonyada la qarxiyey. Sidoo kale Saalax Dheere ayaa tilmaamay in qaraxaasi uusan geysan wax khasaare nafeed ah, marka laga tego bur-bur gaaray gaariga uu qaraxu haleelay. Waa qaraxii labaad ee isla maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana saaka wadada Cabdiqaasim miino lagula eegtay taliye ku xigeenka ciidamada Xoogga Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites