Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya dil ka dhacay magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay dil ka geysteen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo ku sugnaa xaafadda Howl-wadaag ee magaaladaasi.

Marxuumka ayaa waaa lagu magacaabi jiray, Macallin Cismaan Cabdikariin, waxaana meydkiisa goobta kasoo qaaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Beledweyne.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey falkan ay goobta isaga baxsadeen, iyaga oo horey usii qaatay qoriga uu watay askariga la dilay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo kasoo baxay laamaha amniga, balse waxaa socda baaritaano dheeraad ah oo wadaan ciidamada Booliska magaaladaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya deegaanada maamulka HirShabelle, gaar ahaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this