Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo bixisay shatiga lacagaha la’isugu diro taleefoonada

Recommended Posts

Deeq A.   

Bankiga dhexe ee dalka ayaa maanta shatiga siiyay shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo bixisa adeega EVC oo ah adeeg lacagaha la’iskugu diro taleefoonada Gacanta

Munaasbad kooban oo ay ka qeybgaleen Wasiiro ka mid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Guddoomiyaha Banka dhexe ee dalka, mas’uuliyiin ka socotay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo marti sharaf ganacsato u badan ayaa xafladda lagu casuumay oo marki ugu horeeysay maanta  lagu bixiyay  shatiga lacagaha  taleefanada  la isugu diro ee Shirkada Hormuud.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cabdirixmaan Ducaalle Beyle  oo furay munaasabadda ayaa sheegay inay ku faraxsanyahay dadaalka xoogga leh ee lagu habeeynayo nidaamka maaliyadda Soomaliya.

Guddoomihaha Bangiga dhexe ee dalka Cabdirixmaan Maxamed Cabdullaahi  oo munaasabadda ka hadlay  ayaa sheegay in bandhiga dhexe  labadi sano ee ugu danbeeysay uu waday nadaamka  habeenta maaliyadda dalka,  isaga oo shati  guddoonsiiyay shirkadda Hormuud oo ah leesinka ugu horeeyay ee la siiyo shirkad bixisa adeega lacagta la isugu diro.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this