Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Ra’iisul wasaaraha XF iyo musharraxiinta oo furmay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan gaar ah ayaa haatan magaalada Muqdisho uga furmay Midowga Musharrixiinta, madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ajandaha shirka ayaa la xiriira xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo rabshadaha ka dhashay Doorashada waqtigeeda kadib dhacday iyo sidii dalka looga badbaadin lahaa inuu lugaha la galo qalalaase siyaasadeed.

Wararka  sheegayaan in uusan shirka ka qeyb galin Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, lamana oga sababta ka dambeysa inuu ka baaqsado shirka.

Sidoo kale waxaa shirkan goobjoog ah madaxweynayaashii hore, Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shirkan horay ugu baaqay, isagoo sheegay inuu la farriisanayo cid kaste oo dowladda wax ka tabanaysa.

Waxa kale oo lagu wadaa in looga arrinsado sidii doorashada degdeg loogu qaban lahaa iyo in cabashada musharrixiinta la tixgaliyo.

Qabsoomida shirkan ayaa kusoo aadaya xilli maalinta berrito ay mucaaradku u ballansan yihiin mudaharaad, iyadoo dowladduna ay ku jirto sidii ay uga hortagi lahayd.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

154595142_1581285055390665_3607137658706161233_o 2021225637498362033630045 153577269_1581284982057339_7679174332507545752_o 153582592_1581284945390676_2418374577605132990_o 153643034_1581284855390685_4282977672137081605_o 154376184_1581284858724018_6923984868200969200_o 154524961_1581284862057351_6820461272358603678_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this