Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ciidamo fara badan dhigtay Boosaaso +ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Laamaha amniga maamulka Puntland ayaa maanta waxaa ay ciidamo fara badan ku daadiyeen wadooyinka waa-weyn, magalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamada oo qaarkood wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ka bilaabeen gudaha magaaladaasi oo xarun ganacsi u ah Puntland.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadan maalin ka hor wadooyinka Boosaaso la geeyay, si ay uga hortagaan banaanbax la sheegay in lagu taageerayo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu qabanayo halkaas, balse dib looga celiyey.

Arrintan ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa isku socodka dadka iyo gaadiidka intaba.

Si kastaba saraakiisha ammaanka ayaa shalay ka digay in markale banaanbax lagu qabtao magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this