Deeq A. Posted February 25, 2021 Is-afgarad hor-dhac ah ayaa laga gaaray waan-wantii laga dhex-waday xukkumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Musharixiinta, waxaana la sheegay in guul laga gaaray wada-hadalada u socday labada dhinac ee la doonayay in la isugu soodhaweeyo. Warar hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in kulan qado ah ay Hotelka Decale ku yeelan doonaan musharaxiinta, ra’iisul wasaaraha, madaxda Galmudug iyo HirShabelle. Sidoo kale wararku waxaa ay sheegayaan in erggada waan-waanta waday ay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble hor-dhigen saddex qodob, kuwaasi oo la sheegay in qaar ka mid ah uu aqbalay, halka qodobada qaarn aaan ilaa hadda la isku fahmin. Qodobada sida weyn la isugu hayay ayaa waxaa ay kala yihiin: Midowga Musharixiinta oo Qoraal ay u gudbiyeen Beesha Caalamka ku dalbaday in Farmaajo xilka wareejo 1- in la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo 2- in bannaan baxa la ogolaado 3- in shirarka wadatashiga Qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta. View the full article Share this post Link to post Share on other sites