Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka xukuumadda & musharaxiinta mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa inuu goor dhow si rasmi ah u billowdo shirka gaarka ah ee u dhexeeya xukuumadda iyo xubnaha musharraxiinta mucaaradka, kaas oo ay haatan qaban-qaabadiisu ka socoto hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiiradiisa ay gaareen hotelka, iyada oo la sugayo musharraxiinta.

Sidoo kale hotelka uu shirku ka dhacayo oo ku yaallo garoonka Aadan Cadde waxaa gaaray ilaalada iyo xubnaha hab maamuuska ee labada dhinac.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in golaha musharraxiinta ay iyana ku wajahan yihiin hotelka Decale, iyaga oo si wadajir ah uga baxayo hotelka Jazeera.

Shirka u dhexeeya xukuumadda & musharraxiinta oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada  & dhaq-dhaqaaqyada ka jira magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Waxa kale oo uu shirkan  muhiim u yahay geedi socodka nabada ee Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Labada dhinac ayaa horey u gaaray is-afgarad, kadib markii Rooble uu aqbalay laba ka mid ah ah saddex qodob oo ay soo gudbiyeen musharaxiinta, kuwaas oo kala ah:-

1- In la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo.
2- In bannaan baxa la ogolaado.

3- In shirarka wadatashiga qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta.

Si kastaba waxay arrimahan kusoo aadayaan, iyada oo lagu wado in beri oo Jicmo ah uu dhaco dibad-baxa ay markale ku baaqeen xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this