Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya weerar ka dhacay magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay bam-gacmeed lagu weeraray fariisin ciidanka amniga ay ku leeyihiin magaaladaasi.

Taliya Booliska gobalka Hiiraan G/Sare Isaaq Cali Cabdulle oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in weerarkaasi loo adeegsaday bam-gacmeed uusan geysan wax khasaare ah.

 

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in ciidamada ammaanka ay wadaan howl-gal lagu baadi-goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi.

 

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gudaha Beledweyne ka dhacayey falal amaan darri oo isugu jiro weeraro iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this