Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin lagu tuhunsan yahay inuu Xarakada Al-shabaab ka tirsan yahay oo Hayada Sirdoonka Turkigu qabatay,halka lagu qabtay+Dhalashada Dalalku haysto

Recommended Posts

Deeq A.   

Qof lagu tuhunsan yahay inuu Xarakada Al-shabaab ka tirsan yahay oo lagu qabtay Turkiga

 

 al-shabaab.jpg

Qof lagu tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab ayaa maanta oo Arbaco ah lagu xidhay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Anadolu, oo soo xigatay ilo wareedyo amni.

Ruuxa la qabtay, oo la ogaaday in uu ka howl-gali jiray Kenya, ayaa lagu qabtay howl-gal ay iska kaashadeen booliska Turkiga iyo hayadda sirdoonka dalkaas (MIT).

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii warqad lagu soo xidhayo qofkaas laga soo qaatay maxkamadda. La tuhunsanaha ayaa heysta dhalashada dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga, waxaana magaciisa lagu soo koobay A.B. oo kaliya.

Al-Sabaab oo fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa ah urur gacan saar la leh shabakadda Al-Qaacidda, waxayna weerarro badan ka fuliyeen Soomaaliya iyo dalal kale oo daris la ah, sida Kenya oo xad la wadaagta Soomaaliya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this