Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khasaare gaystay oo ka dhacay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
shil-Garoowe-gaari.jpg?resize=713%2C676&

Saddex Ruux ayaa ku geeriyooday, laba kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii xalay laba gaari isku dhacday duleedka bari ee magaalada Garoowe.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland, ayaa xaqiijiyay in shilkaas uu ka dhacay halkii laga raray Kantaroolka dhanka bari ee caasimadda Garoowe.

Saraakiishu waxay sheegeen in ay isku dhaceen laba gaari oo midkood ISKA-ROGO ahaa, halka kan labaad uu ahaa nooca loo yaqaan Brobox.

Sidoo kale, waxay tilmaameen in ay weli baaritaan ku hayaan sababta keentay shilka, islamarkaana dib ka faahfaahin doonaan.

Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanaya gudaha Puntland, waxaana inta badan sababa gaadiidka xawaaraha saa’idka ah ku socda iyo burburka waddooyinka qaarkood.

PUNTLAND POST

The post Shil khasaare gaystay oo ka dhacay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this