Deeq A. Posted February 21, 2021 Xog-haye Cusub oo loo magacaabay Dawlada Hoose ee Hargeisa Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Siciid Nuur Jaamac u magaacabay xoghayaha cusub ee dawladda hoose ee magaalada Hargeysa. Magacaabista xoghayaha cusub ayaa timid ka dib markii uu xoghayaha wakhtigan ee dawladda Hoose Axmed Yoonis Juxa uu shaaciyay in uu u tartami doono doorashada golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa. Siciid Nuur ayaa ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee wakaaladda horumarinta jidadka Somaliland. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites