Sign in to follow this  
Deeq A.

SAWIRRO: Doonyo hub sida oo lagu qabtay Xeebaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Labadan doon oo uu ku rarnaa hub sharci darro ah ayaa lagu qabtay Xeebaha Dalka Soomaaliya, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Badda ee Dalka Mareykanka.

Markab Dagaal oo laga leeyahay Dalka Mareykanka oo lagu magacaabo USS Winston S. Churchill ayaa gacanta ku dhigay labadan doon aan weli la shaacin dalka laga leeyahay.

Qoraal ka soo baxay Saraakiisha Markabka USS Winston S. Churchill ayaa lagu xusay in doonyahan ay sideen hub kala duwan oo ku wajahnaa Dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ay shaaciyeen in ay qabteen dadkii la socday labadaasi doon.

Bayaanka laguma xusin halka ay ka soo shiraacdeen doonyahan iyo cidda ay u sideen hubkii lagu qabtay Xeebaha Soomaaliya.

Sikastaba, Dalka Soomaaliya ayaa weli waxaa saaran cunaqabateyn dhanka hubka oo ay ku soo rogeen Qaramada Midoobay, si hub farabadan uusan ugu gacan gelin Al Shabaab oo weli Dagaal kala soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1000w_q95 (3) 1000w_q95 (2) 1000w_q95 (1) 1000w_q95

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this