Deeq A. Posted February 16, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey geerida Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Wararku waxay sheegayaan in Sheekhu u geeriyooday cudurka Coronavirus oo dhawaan soo ritay. Waxuu ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho oo ah xarunta ugu muhiimsan ee hadda lagu dabiibo dadka uu soo rito COVID-19. Cudurkan ayaa hadda ku soo laba kacleeyey Soomaaliya, waxuuna horay u laayey dad hal door ka ahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Share this post Link to post Share on other sites