Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogtii u dambaysay Shirka Gudiyada Farsamada uga socda Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Gudiyada Farsamada ee Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada uga socda Baydhabo ayaa hada galay jawi xasaasi ah oo ku saabsan Qodobada hortaagan Heshiiskii 17 Septembar oo qoloba si u aragto.

Maanta waxaa la islasoo qaadey Arimaha Gobolka Gedo balse Gudiga ka socda Dowlada Federaalku waxay muujiyeen inay wali mershoodi taagan yihiin, Waxayna ku adkeysanayaan in aan Gobolka lagusoo celin Jubbaland ilaa Doorashadu ka dhamaanayso, inkastoo ay soo jeedoyeen Qodobo dhowra oo u saamaxaya Jubbaland inay saameyn aan saas u waynayn ay ku yeelato Maamulida Doorashada ee Gobolka.

Jubbaland wali waa ka biya diidan yihiin Qodobadaas oo idil, Waxayna soo jeediyeen in Dhamaan Maamul Goboleedyadu ay si siman u maamulaan Deegaanadooda,

Mid kamida Gudiga ka socda Jubbaland ayaa yiri “ Gedo haday Xukuumada Dhexe maamulaysa Caabudwaaqna Maxaa diidey inay kasoo goyso Galmudug.

Sida muuqata wali Buuq ayaa ka taagan Arinta Gobolka Gedo, waxay Maamulada qaar soo jeediyeen in Wax laga badalo Qodobadii Heshiiskii 17 dsebtembar si xal loogu helo Qodobada qaar,maadaama Wakhtiga Doorashadu gaaban yahay. Dhaqaaluhuna yaryahay waxaana lasoo jeediyey in Deegaan Doorashada, halkii Heshiiskii 17 Sebtembar ka oranayay laba Magaalo in lagu badalo In Doorashadu ay ka dhacdo Caasimadaha Maamul Goboleedyada oo qura,

Gudiyada qaar ayaa u riyaaqay soo jeedintaan iyagoo u arkaya in ay xal u noqon karto Buuqa Gobolka Gedo, Walhtiga Doorashada oo gaaban iyo Dhaqaalaha Doorashada oo la cadidayo.

Gudiga ka socda Dowlada Federaalka Arinkaas si cad ayay u diideen, waxaa si lama filaan ah usoo dhaweeyey soo jeedintaan Gudiga ka socdey Galmudug.

Waxaa iyana wali la isku diidan yahay Saamilayda Siyaasada sidii talada ay qayb ugu lahayn lahaayeen, Puntland ayaa soo jeedisay in Musharixiintu ay qayb ka noqdaan shirarka dambe, Arintaan wali Buuq ayaa ka taagan waxaana si cad u diidan Dowlada Federaalka ah waxaana ku raacsan Galmudug iyo Hirdhabeele.

Dhamaan Qodobadaan wali wada xaajood ayaa uga docda Gudiyada, waxayna isku dayayaan in meel Dhexe la isugu yimaado ilaa caawa iyo subaxnimada hore ee Beri oo khamiis ah.

Puntlanfi.com Baydhabo

89270943-76B4-47E5-88B3-A4464189EF0F-667

The post Xogtii u dambaysay Shirka Gudiyada Farsamada uga socda Baydhabo appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this