Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo : – Afhayeenka Midowga Musharixiinta Daahir Gelleh oo uga digay Hayadaha Amaanka in ay carqaladeyaan Banaabaxa Jimcaha.

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Golaha Midowga Musharixiinta Mudane Daahir Maxamuud Gelleh ayaa sheegay in Banaanbax ay ku baqeen maalinta Jimichu uu yahay mid sharci ah, oo Dastuurka Dalku uu xaq u siinaayo in muwaadiintu ay si xor ah u mujiyaan dareenkooda.

Mudane Daahir Gelleh oo maanta la hadalay warbaahinta ayaa ku tilmaamay ujeedada ka danbeysa isu soo baxo bulsho ee Jicmihu inuu yahay mid lagu dalbanaayo in Dalka iyo Dadka Somaaliyeed loo hor kaco isbadel nabadeed oo looga badbaadinaayo dhaqanka foosha xun ee dibu dhaca iyo kalitalisnimada ah.

Mudane Musharax Daahir Maxamuud Gelleh ayaa uga digay madaxda sare ee Hayadaha Amingu in ay ka fogadaan talaabo kasta oo keeneysa isku dhac iyo carqaladeyn ah oo loo geysto shacbiga Somaaliyeed ee maalinta Jimacaha isgu soo baxaayo Banaabaxa ay ku soo bandhigayaan dareenkooda ah badbaadinta Dalka iyo Dadka Somaaliyeed.

Halkan ka daawo hadalka Mudane Musharax Daahir Gelleh :

The post Daawo : – Afhayeenka Midowga Musharixiinta Daahir Gelleh oo uga digay Hayadaha Amaanka in ay carqaladeyaan Banaabaxa Jimcaha. appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this