Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo gaaray Buulo-Burte + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cisman & wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buulo burde ee gobolkaasi.

Wafdigan oo uu qeyb ka yahay gudoomiye ku xigeenka maaliyada iyo siyaasada gobolka Hiiraan  Abuukar Sheekh Cabdulahi Maadey ayaa halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyey.

Ujeedka socdaalka guddoomiye Jeyte iyo mas’uuliyiinta la socda ayaa ah sidii xal loga gaari lahaa khilaaf u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo maamula degmada Buulo-Burte.

Shalay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose maamulka HirShabelle Mudane Maxamed Cali Caadle ayaa gaaray degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this