Deeq A. Posted February 15, 2021 Dib u dhac ayaa lagu soo warrmayaa inuu ku yimid shirkii uu iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, kaas oo qorshuhu ahaa inuu furmo maanta oo ay ku beegan tahay 15-ka Febraayo ee sanadkan 2021-ka. Sababaha uu shirka u baaqday ayaa waxaa kamid ah iyada oo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay soo jeediyeen in shirka uu ka dhaco Muqdisho, halka maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed aysan weli ka hadlin shirkaasi. Illaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kama hadlin dib u dhaca ku yimid shirka oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka. Shalay ayey aheyd markii ra’iisul wasaaraha uu magacaabay guddi farsamo oo ka kooban illaa 14 xubnood oo ka shaqeynaya qaban-qaabada shirka wada-tashiga golaha qaranka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites